Saturday, May 25th, 2013
.

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulan Xasaasi ah oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho

Published on August 20, 2012 by   ·   No Comments

Waxaa Xalay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kulan xasaasi ah oo looga hadlayay Sugida Amaanka iyo Siyaasada waxaa ku yeeshay Madxaweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo qaar kamid golaha Wasiirada iyo Taliska sare ee AMISOM.

Kulankan oo ahaa Mid Xasaasi ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/samad Macalin Maxamuud, taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay Ciidammada Midowga Afrika oo uu hogaaminayey Taliyaha Ciidammada AMISOM.

Kulanka ayaana saacado badan qaatay waxaa diirada lagu saarayay amaanka Dalka iyo sidoo kale siyasadaha ugu dambeeyay ee xiliga kala Guurka oo manata ku ekaa iyadooan markii uu shirku dhamaaday Madaxweynaha iyo Taliyaha AMISOM ay si wada jir ah Saxaafada ula hadleen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedka KLulankooda uu ahaa in la qiimeeuyo Xaalada amanaka Dalka iyo Xaalada Siyaasadeed ee hada ka jirta Dalka iyo sidii guud ahana amanaka loo adkeyn laha acida kahortomaadna looga hortagi lahaa.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “ waxaan wada ognahay dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed usoo mareen marxaladda nabadeed ee ay hada joogaan,ma rabno in si ciyaar ciyaar ah loo dhibaateeyo nabadaas, walaalaheenna AMISOMna waan uga mahad celineynaa dhiiga iyo dhididka ay u hureen nabadaas”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulankii xalay ku tilmaamay mid muhiim ah maadaama la joogo 20ka August oo ah xiliga uu ku egyahay waqtiga KMGka waxaana uu xusay madaxweynuhu iney si xoogan uga wada hadleen cid kasta oo qorshaha socda carqaladeyneysa aan laga ogolaaneyn,wax walbana ay tahay iney u dhacaan sidii loo qorsheeyey.

Mar uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka hadlayey doorka odayaasha dhaqanka iyo heshiisyadii hore waxa uu yiri “heshiisyadii lasoo gaaray sida ay ahaayeen waa in loo fuliyo,odayaasha dhaqanka in lagu ixtiraamo soo xulidda Xildhibaannada,gudiga farsamadana in iyana lagu ixtiraamo shaqadooda lana hubiyo ineysan ka gudbin xuduudii loo dhigay si aynu u dhameyno kala guurka, wixii khilaafaad ah ee jirana nabad lagu xaliyo”

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa fariintaan u diyaray shacbiga Soomaaliyeed “dadka Soomaaliyeed ee I dhageysanaya waxaan rabaa inaan ka codsado in nabadda lagu dadaalo,waayo 20sano kabadan ayaan colaad kusoo jirnay, ma rabno inaan dib ugu laabano wadadii hore ee adkeyd,ma rabno cadowgii aan ka adkaanay inaan fursad siino iyo cid kasta oo nabadda cadow ku ah, inaanan qofna si gaar ah loo bartilmaameedsan ayadoo qof walba xuquuqda uu leeyahay ee siyaasiga ah loo damaanad qaadayo”

Taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM Andrew Gutti oo isaguna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa u mahad celiyay Ciidamada amniga iyo shacbiga Soomaaliyeed oo iyagu si wanaagsan xiliga Ciidda amniga uga wada shaqeeyey,

waxaan rabaa inaan dhiiri geliyo in qof walba uu ka qeyb qaato sidii amniga loo sugi lahaa waana mas’uuliyad ina saaran dhamaanteen inaan amniga ka wada shaqeyno sida aad wada ogtihiinna waxaan ku jirnaa dhamaadka KMGka waxaan dadka Soomaaliyeed oo dhan ka codsanayaa iney is dejiyaan,

qorshahan lagu dhameynaya KMG kana cid hor istaagi kartaa ma jirto, dadku waxa ay doonayaan iney helaan baanu dhiirigelineynaa waxaanna rabnaa in cid walbaa ay metesho dadkii iyagu ay keensadeen, beesha caalamka iyo AMISOMna waxey tixgelinayaan wax kasta oo ay dadka doonayaan maadaama odayaasha dhaqanku ayaga ay keenayaan xildhibaannada waa in ayaga loo tixgeliyaa sida runta ahna waan idiin garab taagannahay shacabka Soomaaliyeed,

waxaanna mar labaad weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed in wax walba si wanaagsan loo xaliyo,hana u ogolaanina in cid kale ay nabaddiina carqaladeeyaan hadii wax khilaafaad ah yimaadaanna waxaa wanaagsan in wadahadal lagu xaliyo waxaanna idiinku boorinayaa ineydaan ogolaan in dhiig dambe uu daato”

Kulankan oo soo idlaaday Xalay Saqdii dhaxe ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsanaa iyadoona labada Dhinac ay isku raaceen sidii loo adkeyn lahaa waxii ay kawada Hadleyn.

HomePage

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.

We Love Fanaaniinta Sanadka”Like”

qisoj