Wararka haatan naga soogaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ey sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Dagaal Culus oo ay ka qeeb qaadanayaan diyaarado dagaal ayaa waxa ey ka socdaan Degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose Dagaalkaan ayaa wax uu u dheexee Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa Dowlada Kenya iyo dhanka kale Xoogaga Al-Shabaab.
Dagaalkaan ayaa waxa uu kasocdaa Degaano 60-KM ujira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Degaanada ay haatan kasocdaan Dagaaladaan ayaa waxaa kamid ah Degaanka Harboole oo 60-KM ujira Kismaayo.
Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalkaan uu yahay mid Xoogan oo la isku adeeg sanayo hubka culus iyo waliba kan fudud waxaana la sheegay in dagaalkaan ay ka qeeb qaadanayaan Diyaarado dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya mana cada qasaaraha ay geesteen Diyaaradahaan.
Qasaaraha sookala gaaray dhinacyadaan ku dagaalamaya Degaano kudhow Magaalada Kismaayo ilaa iminka macada maadaama uu dagaalkaan yahay mid Xoogan.
Waxaa sidoo kale ay wararka sheegayaan in dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa Degaanadaasi ay kabarakaceen.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo Dagaalkaan kahadlay ayaa waxa ay sheegeen in Dagaalkaan ey iyaga qaadeen eyna siiwadidoo naan sida uu sheegay.


