Kadib markii xubin kaso jeeda beeshiisa loo doortay gudoomiyahii hore ee barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan ayaa waxaa uu doonayaa inuu gor gortan siyaasadeed la dhextago xubnaha usharaxan xilka madaxweynaha.
Inkastoo midna uusan heli doonin xubnaha sar sare ee dalka gaar ahaan Madaxwyne iyo Ra’isul Wasaare hadana Shariif Xasan ayaa diyaar u ah inuu kusii nagadaao saaxada siyaasada.
Warar xog ah oo ay heshay Galcad24.com ayaa muujinaya in Shariif Xasan uu bilaabay in gor gortan uu lagalo xubnaha ugu cad cad doorashada.
Waxaa jira warar xaqiijinaya in Shariif Xasan uu siyaasad dhow oo dhanka doorashada ah la leeyahay Dr C.Wali Maxamed Cali Gaas.
Xariir dhexmaray labada Xildhibaano saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ay kaga hadleen sidii ay usamaysan lahaayeen xoog siyaasadeed si ay meesha kaga saaraan Shariif Sh Axmed.
Hase ahaatee Shariif Xasan oo aamisan in loo tashaday markii la joogay doorashada gudoomiyaha barlaanka ayaa sharuud adag ku xiray dalabka Dr Gaas.
Warar hoose ayaa xaqiijinaya in Shariif Xasan uu doonayo in uu noqdo Wasiirka Maaliyada ama kan arimaha dibada hadii uu isbahaysi siyaasadeed la galayo Dr Gaas.
Sidoo kale Shariif Xasan ayaa la sheegay in khadka taleefanka ay kuwada hadleen madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed oo mar ay siyaasadooda hal dhinac ka duuli jirtay.
Lama oga waxa dhexmaray labadaas Sargaal hase ahaatee warar aan xaqiiqdooda wali la salayn ayaa sheegaya in ay ka wada hadleen sidii ay usoo celin lahaayeen xariirkoodii siyaasadeed.
Si kastaba Shariif Xasan ayaa tageero ku dhex leh Xildhibaanada Cusub iyadoona ugu yaraan 50 Xildhibaan uu kula gor gortami karo musharaxiinta madaxweynaha.
Galcad24.com kala soco Falaqeynta Siyaasada Qarsoon ee dalka Somalia