
Nairobi-(Galcad24) Sida uu Ku soo Waramayo Wariyaha Galcad24.com ee Magaalada Nairobi Ayaa Soo Sheegaya In Safiirka dowlada Soomaaliya ujooga dalka Kenya Abm. Maxamed Cali AMeeriko uu faah faahin Ka Bixiyay qorshaha dowlada Soomaaliya ee ku aadan maamul usamaynta goboladda dalka.
Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaaladda Nairobi ayaa Mudane Cali Ameeriko waxaa uu ku sheegay in IGAD ama Amisom aysan wax lug ah ku lahaan karaian maamul usamaynta goboladda dalka howshaasna ay utaal madaxda dowlada Soomaaliya.
Riix Halkkaan Si Aad U Dhagayso Hadalka Safiirka Soomaliya u Jooga Kenya
Amb. Cali Ameeriko ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowlada Soomaaliya sii wadida dagaalka kadhanka ah Shabaab iyagoo kaashanaya Amisom iyo dowladaha dariska ah, hase ahaatee aysan marnaba qaadan doonin in maamul loo samaynayo Jubooyinka ay ku lugyeeshaan IGAD.
Hadalka kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili dhawaan lasheegay in IGAD ay qorshaynayso maamul loo sameeyo Jubooyinka.